Farriinta muhiimka ah ee dadweynaha (Viktigt meddelande till allmänheten, VMA) waxaa loogu talagalay in dadka si dhakhso leh loo ogeysiiyo markay wax darani dhacaan. VMA waxay ka kooban tahay dhowr qaab oo digniin lagu soo tebiyo, mid ka mid ah qaababka waa farriinta degdegga ah ee SE-Alert oo si toos ah ugu soo dhacaysa moobilkaaga.
Farriinta muhiimka ah ee dadweynaha (VMA) waxaa loo isticmaalaa in dadka looga digo shilal halis ah, xasarado waaweyn, khatar dagaal iyo xilli dagaal.
Waxaa lagugu digi karaa qaabab kala duwan:
- Digniin dibedeed oo ah dhawaaq qaylodhaan oo loo yaqaan Hesa Fredrik.
- Farriimo lagu tebiyo idaacad, tv, sms, internet iyo appsyo.
- Farriin si toos ah ugu soo dhacaysa moobilkaaga ee SE-Alert.
Marka digniin VMA la soo diro waa inaad markiiba akhridaa oo tilmaamaha raacdaa. Tilmaantu waxay ku saabsanaan kartaa in guri gudahiisa lagu jiro, in laga fogaado aag gaar ah iyo halka aad faahfaahin dheeraad ah ka heli karto.
Digniin VMA oo markaas taagan waxay iyadoo bandiirad guduudan ah ka muuqataa halka ugu sarreysa mareegga Krisinformation.se. Haddii aysan bandiirad guduudan muuqan, ma jirto wax digniin VMA ah oo markaas taagan.
Faahfaahin dheeraad ah (af-iswidhish) oo VMA ku saabsan.
SE-Alert – farriin muhiim ah oo si toos ah ugu soo dhacaysa moobilka
SE-Alert waa hab digniin VMA si toos ah loogu soo diro telefoonka gacanta. Dhammaan dadka haysta moobil casri ah (smartphone) waxay heli karaan qaylodhaan digniin ah oo ka kooban farriin, dhawaaq fiiqan iyo telefoonka oo gariira. Waxaad taas xataa helaysaa hadduu moobilkaagu ku jiro nidaamka aamusnaanta (silent mode). Looma baahna wax app ama is-diiwaangelin ah.
Waxa aad u baahan tahay waa:
- inaad hayasato mobil casri ah oo la cusboonaysiiyay
- inaad ku xiran tahay khadka isgaarsiinta shabakadda moobilka ah
- inaad ku sugan tahay aagga uu dhibku asiibay.
Su'aalo iyo jawaabo ku saabsan SE-Alert
-
Waa luqaddee xogta SE-Alert?
Marka la dhaqangeliyo adeegga SE-Alert xagaaga 2026-ka, farriintu waxay ku bixi doontaa af-iswidhish. Mar dambe sannadka 2026-ka gudahiis, telefoonnada ku sifaysan luqadaha kale waxay farriinta ku heli doonaan af-ingiriis.
-
Waa sidee habdhaadhacu?
- Adeegga Gurmadka (Räddningstjänst), Booliska ama hay’ado kale, sida tusaale ahaan Hay'adda Gaadiidka (Trafikverket), ayaa codsada VMA iyagoo la xiriiraya SOS-Alarm. Iyadoo lala kaashanayo Idaacadda Iswiidhan (Sveriges Radio) ayaa farriinta la diyaarinayaa dabadeedna la tebinayaa.
- Haddii tebinta digniinta loo doorto SE-Alert, moobilkaaga ama saacaddaada casriga ah ayaa "dareemaya" haddii aad ku sugan tahay aagga uu dhibku asiibay.
- Moobilkaagu wuxuu soo saarayaa dhawaaq fiiqan oo digniin ah muddo 10 sekan ah, isagoo gariiraya, waxaadna helaysaa farriin qoraal ah oo kuu sheegaysa waxa dhacay iyo waxa ay tahay inaad samayso. Raac tilmaamaha.
-
Goorma ayaa la tebiyaa digniinta VMA?
Farriinta muhiimka ah ee dadweynaha (VMA), waxaa la adeegsadaa markay wax khatar ahi dhacaan oo markiiba halis degdeg ah geliya nolosha, caafimaadka ama deegaanka.
Tusaale ahaan markay dhacaan:
- shilal iyo dhacdooyin khatar ah, tusaale ahaan markay baxsato neef sun ah ama uu kaco dab wata qiiq sun ah
- khalkhal xun oo ku yimaada adeegyada muhiimka ah ee bulshada, tusaale ahaan cirka oo ka soo da'a walxo kaahfal leh ama carqalado la xiriira helidda lambarka gurmadka ee 112
- maarayn xasarado, ka hor iyo inta lagu guda jiro dhacdooyinka aan caadiga ahayn, tusaale ahaan fatah biyo-xireen ama kharribaad lagu sameeyay nidaamka sahayda biyaha la cabo.
-
Miyay da' yartu heli karaan SE-Alert?
Haa, dhammaan moobillada ku sugan aagga ay dhibaatadu ka dhacday waxay helayaan SE-Alert. Fadlan kala hadal ilmahaaga waxa ay tahay VMA, sida ay u dhawaaqdo, muuqaalkeeda iyo sida ay tahay in looga falceliyo. Tan ugu muhiimsani waa in la is-dejiyo, la akhriyo farriinta, tilmaamahana lana raaco
-
Maxaan sameeyaa haddaanan smartphone lahayn?
SE-Alert waa kordhin lagu sameeyey qaababka loo tebiyo digniinaha VMA, mana aha mid beddelaysa marinada jira. Sidii hore ayaad weli VMA u heli kartaa – tusaale ahaan iyadoo la soo mariyo idaacad, TV, appsyo iyo marinno kale.
-
Ma ku shaqaysaa dhammaan mobilada?
Si aad VMA ugu hesho SE-Alert waa inaad:
- haysato mobil casri ah oo la jaanqaadi kara adeegga isla markaana leh software-kii ugu dambeeyay
- ku xirnaato shabakadda mobilka
- ku sugnaato aagga uu VMA khuseeyo.
Moodooyinka mobilada ee la jaanqaadaya waa:
- iPhone Apple nooca 11 ama ka dambeeya
- Mobilada isticmaala Android Google nooca 12 ama ka dambeeya. Sidoo kale Android GO nooca 13 ama ka dambeeya.